Kulankii Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo la rabay in kalsooni loogu qaado ra’isal wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Maanta baaqday.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta baaqday kulankii la filayay in Baarlamanka KMG ee Soomaaliya oo codka  kalsooni siinta loogu qaadi lahaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmajo, waxaana la sheegay inuu u baaqday  cilad farsamo oo soo wajahay kullankaas.

Sidoo waxaa lagu soo warramay jiraan xildhibaano aan ka war qabin baaqashada kulankaas ayaa saakay xili hore gaaray xarunta Golaha shacabka, ha yeeshee  waxaa markii danbe lagu wargeliyey inuu baaqday fadhiga maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamanka KMG ee Soomaaliya.

Baaqashadan ayaa imaanaysa xili xildhibaanada isku khilaafsan yihiin kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha Cusub ee soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo uu baaqdo kulan ay u ballansanaayeen xildhibaanada Barlamanka oo la doonayey in loogu hadlo arrimo la xiriira Siyaasadda Soomaaliya, balse baaqashadan ayaa waxaa dad badan oo isku aragti noqday u fasirteen in Xildhibaanada ay khilaafyada uga barteen inay kaga faa’ideystaan sidii ay u heli lahaayee laaluush ay horay uga barteen inay ka qaataan madaxda Sare ee Dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: