Xarakada Al-Shabaab oo saraakiil Ajnabiya kuwii ugu badnaa ay uga geeriyoodeen dagaallo ka dhacay Muqdisho iyo Beled-Xaawo

Halkaan ka akhri

Mid ka mid ah Ajaaniibta Kaaraan ku dhintay 

Warar kala duwan oo aanu ka helayno Magaalooyinka Muqdisho iyo Beled-Xaawo ayaa sheegaya in Saraakiil Ajnabiya kuwii ugu abdnaa ay uga geriyoodeen xarakada Al-Shabaab, laba dagal oo ka kala dhacay labadii maalin ee ugu dambaysay magaalooyinka Muqdisho iyo Beled-Xaawo.

Waqooyiga magaalada Muqdisho oo kaliya ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 10 Ajnabiya, halka dhaawac intaas ka abdanna loola cararar isbitaalka Dayniile ee Magaalkada Muqdisho.

Dhanka kale dagaal isaguna ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ayaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 20 Ajaaniib ah lagu dilay halka Al-shabaab qaybta Somalida laga dilay 110 ka badan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arrimahaas iyo masawirrada Ajnabiga dagaalka ku dhintay naga filo goor dhow, haddii alle ogolaado.

 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: