Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Dagaalo culus oo gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna dagaalkaas uu ka dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha  Waqooyiga ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyay ciidamada dowaldda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarkada Al Shabaab ayaa wuxuu ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxana labada dhinac ay is weedarsanayeen madaafiic cul-culus oo ku dhacaysay meel ka baxsan goobaha ay ku dagaalamayeen.

Ilaa haatan waxaa la soo sheegay in dagaalkan uu ku geeriyooday hal qof oo rayid ah halka 5-kalana ay ku dhaawacmeen, hase ahaatee sida ay sheegeen dadka deegaanka wuxuu dagaalka uu billaabmay,  kadib markii ciidamada Xarkada Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen  fariismo Malatari oo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Hase yeeshee Warar aan ka helnay dadka degmada Boondheere ku nool ayaa sheegaya in saakay ay xaalada tahay mid dagan, balse mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos Al-Shabaab oo isku horfadhiya degmadaas.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: