Halkaan ka akhri
Madaxweynaha Dowladda FKM Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya in ay Dar-dar Geliyaan Kalsooni Siinta iyo Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Golaha Wasiirada uu soo Dhisi Doonaba.
Sida uu dhigayaa Xadi Qarameydka KMG ah, wuxuu Madaxweynuhu isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah wuxuu 14kii bishaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed waxa uuna uga mahad celinayaa xildhibaanada iyo guud ahaan musharxiintii xilkaan danaynayey tanasulka iyo ballanqaadka ay ballan qaadeen in ay la shaqaynayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Hase yeeshee Ra/ iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada ee uu soo dhisi doono oo ah hay’adda fulinta ayaa laga sugayaa in ay sugto amniga, guddoontana deeqaha bulshada caalamka, fuliso adeegga bulshada isla markaana dhisto hay’adaha qaranka, ayuu yiri Madaxweynuhu,
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaaliya waxaa uu sheegay in wadanka xaalada xun uu ku jiro sidaasi daraadeed loo baahanyahay in ay shaqeeyaan Hay’adaha dowaldda taasi oo uu tilmaamay inay ku xiran tahay in xubnaha barlamanka codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabay si uu u shaqeeyo una soo dhiso Xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaalada Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif waxa uu mar kale Golaha Baarlamaanka ugu baaqay, “in ay Wasiirka 1-aad u fasaxaan shaqadiisa, maadaama uu yahay mas’uul ka loogu fadhiyo in guud ahaan hawsha qaranka wax ka qabto, gaar ahaan soo celinta nidaamka dowladnimo, amni iyo kala danbeyn intuba ay yihiin kuwo baahi weyn loo qabo xilligan, sidoo kale R/wasaaruhu loogu baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan u guda galo hawlaha qaran ee hadda miiska u saaran iyo kuwa xilliga kala guurka ah oo aan loo baahnayn in la sii daahiyo.”
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.