Halkaan ka akhri
Kulankii ay shalay yeesheen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee loogu hadlayey codsi ka yimaaday Ururka Midowga Afrika oo ku aadanaa in la xayiro duulimaadyada dhinaca cirka ah iyo isticmaalka dekadaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda,wuxuuna go’aanku kulankaas uu noqday in  dib loo dhigo soo jeedin go’aan ka gaaridda Codsigaas.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo shalay ka hadlayay kulan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku yeesheen Magaalada New York, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka ku aadan in la cunaqabateeynta dekadaha iyo garoomada ay Maamulaan Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam si looga hortago soo dajinta dagaalyahano shisheeye oo ka yimaada wadamada caalamka.
Hase ahaatee Ban Ki-Moon waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in go’aankaasi si fiican looga firsado, isagoo intaasi ku daray in ay go’aansadeen haatan in ay dib u dhigaan go’aan ka gaarida xariyaada Garoomada iyo dekadaha ay Maamulaan Xoogaga hubaysan.
Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay Mr. Ramtaana Lamamra oo ah madaxa dhinaca nabadgalyada ee Ururka midowga Afrika, Â wuxuuna sheegay in muhiimada ururka midowga Afrika ay tahay sidii looga hortagi lahaa Qatar ay ku hayaan xoogaga hubaysan, dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM.
Dhanka kale Ramtaana Lamamra waxaa uu sheegay inay ka aqbaleen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay sidii loo taageeri lahaa ciidamada midowga afrika ee la keenayo Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho.
Balse xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay golaha amaanka inay go’aan deg deg ah ka qaatana codsiga ugu yimid midowga afrika ee ku aadan in la cunaqabateeyo dhaq dhaqaaqyada Dekadaha iyo Garoomada ay heystaan xoogaga hubaysan. New York
Si kasta ha ahaatee arrintu qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa hadalka ka soo yeeray Qaramada Midoobay oo ku soo aadan dib u dhigidda Codsigooda ka muujiyey qabbi jab go‘aankii shirkii shalay ay ka soo saareen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay Magaalada New York ee dalka Maraykanka, kaasoo laga sugayay ansixinta baaq ay horay u jeediyeen Wasiirada arimaha dibada ee Midowga Afrika kaasi oo ku aadanaa in 20, kun oo askari loo soo diro Soomaaliya iyo in la xayiro dhaq dhaqaaqa dekadaha ay maamulaan Xarakada Al-shabaab, ha yeeshee go’aankii uu noqday in codsigaas dib loo dhigo.
SomaliSwiss New York
Filed under: USA |
You must be logged in to post a comment.