Halkaan ka akhri
Wariyaha SomaliSwiss oo haatan ku sugan magaagaalada Mandheera ee dalka Kenya ee xadka la leh magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa inoo soo sheegay in xalay ilaa Saakay Waaberigii ay dagaalo ku dhexmareen degmadaas Ciidamada dowladda KMG, Ahlusunna Waljameecaoo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab shalay qorrax dhacii ay la wareegta, balse haddana si rasmi ula wareegeen degmadaas Ciidamada dowladda KMG iyo Ahlusunna, dagaal culus kadib,
Sarkaal u hadlay Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay in ay dib ugu soo laabteen Magaalada Ciidamadooda iyo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan xaalada Magaalada saakay in ay tahay mid aad u kacsan.
Sida uu Wariyaheennuu inoo soo sheegay in dagaaladii iyo duqeymihii shalay iyo xalay ka dhacay degmada Balad-xaawo ay sababeen Dhimashada 20 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawaca intaasi in ka badan, waxaana dagaalada ka qeyb qaatay Ciidamada Itoobiya oo duleedka Magaalada Madafiicda goobta ka soo ganayey.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Xarakada Alshabaab ay xalay ka baxeen Magaalada Balad-xaawo, waxayna haatan ku sugan yihiin duleedka Magaalada dhanka Degmada Garbahaarey, balse waxaa dhici karta in mar kale ay weerar ka dhan ah Ciidamada dowladda KMG iyo Ahlusunna Waljameeca ay dib ugu soo rogaal celiyaan.
Hse yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Xarkada Al Shabaab oo ku aadan dagaalka culusaa ee degmada Baladxaawo ay kula galeen ciidamad dowaldda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna Waljmaaca oo isku dhinac ah, waxaana xaalada ay tahay mid wali cakiran iyadoo duleedka magaalada laga maqlaya rasaaas goos goos ah ee dhacayso, halkaas oo ay ku sugan ciidamada Al Shabaab ee dagaalka looga saaray gacan ku haynta degmad Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
SomaliSwiss   Balad-xaawo
Filed under: Baidoa |
You must be logged in to post a comment.