Xafiiska Federaalka Caafimaadka dalka Switzerland oo ku amray Hay’adaha in ay billaabaan ololaha Tallaalka Jirrada Hargarbka.

Halkaan ka akhri

Sanad  kasta waxaa ay dowladda Federaalka Switzerland amar ku bixisaa in bulshada laga tallaala Jirrida Hargabka, taas oo aalaaba timaado xilliga ay cimiladu isbadasho, gaar ahaan xiliga qaboobaha, kaasoo dad aad u fara badan ku dhaca.

Hay’adaha Caafimaad ee dalkan Switzerland ayaa waxaa ay sheegeen in dadbadan ay halis u yihiin in ay qaadaan ama uu ku dhaco Jirrada Hargabka dadka dàda ah. Dadka qaba cudurrada halista ah ee la yiraahdo Malatie croniche, Haweenka Uurka ah iyo Caruurta markaa dhashay.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Caafimaadka waxay sheegeen in tallaalku uu yahay ka hortag, taasoo micnaheedu tahay yareynta halista Hargabku uu leeyahay, waayo tallaalku wuxuu yareeyaa 90%Cudurrada dilaaga ee dadka is qaadsiyo, hase yeeshee baaris la sameeyey Sanadkan ayaa lagu sheegay in Tallaalka uu ka hortagi kari Hargabka Caadiga iyo kan laga qaada Doonfaarka.

Daawada Tallaalka ayaa la sheegay in Sanadkan  loo qaybiyey  80%  goobaha ay ka howl gelaan Dhakhaatiirta Qoysaska, halkaas oo laga heelaayo dadka dàda ah ee halista u ah in Cudurkaas uu ku dhaco, waxaana la sheegay in kharajka daawadaas laga bixin doono Sanduuqa Jirrooyinka, waxaa kaloo kharajkaas wax ka bixin doono loo shaqeeyayaasha.

Si kasta ha ahaatee 5 Novembre oo ah Maalinta Tallaalka Qaranka Swisska oo loo hortagayo Jirrada Hargabka, waxayna Hay’adaha Caafimaad ee dalkan Switzerland ay sameyn doonaa dacaayado ama Borbogando la xiriira sidii la isaga ilaalin lahaa  virus-ka, sidoo kale dadka waxaa lagu waaninayaa in ay isticmaalaan waxyaabaha nadaafadooda wanaajin kara sida isticmaalidda Warqadaha Fasoleetiga ah iyo dhaqidda Gacmaha, waxaana dadku lagula talinayaa in Guryahoodu ku jiraan inta ay qabaanjirrada Hargabka.

SomaliSwiss Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: