Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo sheegay in aan loo dul qaadan doonin dadka lunsanaya hantida Qaranka.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo shalay qudbad u jeedinayay Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya aysan u dul qaadan dooni n Masuuliyiinta lunsanaya hantida Qaranka iyo dadweynaha.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed wuxuu sheegay  in mar waliba loo dul qaadan karin Masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG oo lagu eedeyanyo inay lunsadeen hanti Qaranka,  haddii laga aamuso ay taasi noqoneyso qiyaano ay wada galeen dhamaan masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif waxaa uu sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay aysan cadaalad ka jirin dalka Soomaaliya, arrinta ugu muhiimsan ee haatan loo baahanyahana ay tahay cadaalada iyo sinaan ay helaan shacabka Soomaaliyeed, taasoo Ra’iisul wasaraaha cusub kula dar daarmay in xukuumada uu soo dhiso doono Marka uu codka ka helo Barlamanka uu si cadaalad ah ku soo dhiso.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu soo hadal qaaday hadal heynta Maalmihii dambe soo badatay ee ku aadan Axdiga 4.5 ee ay ku dhisantahay dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in axdigaasi ay wax ku soo qeybsadeen dowladda KMG Soomaaliya, hadii la badalayana loo baahan yahay in lagu badalo hab sharci ah oo la isku afgarto.

Hase yeeshee hadalka Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ee ku aadan in aan loo dul qaadan doonin Masuuliyiinta dowladda ee lagu eedeeyo lunsiga hantida dadweynaha ayaa ku soo aadaya xili maalin ka hor war ka soo baxay Xafiiska Xerilaaliyaha guud ee qaranka lagu xayiray dhaq dhaqaaqii bangiga dhexe ee dowladda hoose markii masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG lagu eedeeyay lunsi hanti dadweyne.

Somaliswiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: