Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta ka doodaya ciidamada cusub ee Midowga Afrika ee la geynayo dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magalada New York ee dalka Maraykanka shir uu ugu furmay  Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, shirkaas oo looga hadlayo xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya waxaana laga doodaya ciidamada Midowga Afrika ee la keenayo Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay waxaa Shirkan diirada lagu saarayaa  muhiimada xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya, waxayna madaxda Qaramada Midoobay ee kulanka ka qeyb galaya ay si weyn ugu doodi doonaan ciidamada Midowga Afrika ee la qorsheynayo in lagu soo kordhiyo  kuwa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa shirkan ay Madaxdu golaha amaanka ugu hadlayaan ay ka mid ah sidii ay go’aan ugu gaari lahaayeen Xaaladda amni dari ee ka jirta dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in ay kulankooda ka soo saaraan go’aan kama dambeys ah oo ku wajahan ciidamada midowga Afrika ee la keenayo Soomaaliya iyo bixinta dhaqaalaha ku baxaya ciidamadaasi.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agostiino Mahiiga oo warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan furmin kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in kulanka diirada lagu saarayo sidii loo kordhin lahaa ciidamada AMISOM, kuwaasi oo uu tilmaamay in 4-kun oo ka mid ah la keenayo Soomaaliya inta lagu jiro sanadkaan halka 8 kun oo kalana ay imaanayaan sanadka 2011-ka.

Wasiirada arrimaha dibada ee Midowga Afrika kulan ay dhowaan ku yeesheen magaalada Addis ababa ayaa waxay ku baaqeen in 20, kun oo askari la keeyo Soomaaliya, waxaana golaha amaanka ee Qaramada Midoobay looga fadhiyaa in ay go’aan ka qaataan baaqaasi.

Si kasta ha ahaatee Dowladda Uganda ayaa horay u shaacisay in Soomaaliya ay u soo direyso ciidamo si gooni ah u tababaran kuwaasi oo ay sheegtay inay ugu talagashay in la geeyo goobalada ay ku suganyihiin Xoogaga hubaysan si ay dowladda KMG ugu suura galiyaan in si fudud ay dalka ula wareegto.

Somaliswiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: