Dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne.

Halkaan ka akhri

Dagaal Culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa maanta ciidamo ka tirsan dowladda MG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab uu ku dhexmaray deegaano Hoos yimaada Magaalada Baladweyne ee ku yaala  duleedka magaaladaas.

Wararka naga soo gaaray magaalada Baladweyne ayaa sheegaya I dagaalkaas ay  ku dhinteen ilaa  3qof oo dhinacyadii dagaalamayey ka tirsan waxaana ku dhaacwacmay tiro intaas ka badan.

kadib markii  maanta mar kale duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ay ku dagaalamen ciidamo ka tirsan dowldda KMG iyo kuwa Xarkada Al Shabaab. Mujaahidinta Al Shiabaab oo saakay aroortii ka ambabaxay Magaalada Baladwayne

Sidoo kale waxaa lagu soo warramay in dagaalkan uu socday muddo saacado ah, kadib markiki ciidamo ka tirsan Xarakada ay weerar gaadmo ah ka qaadeen deegaanka Ceelgaal iyo buurta Qowleed halkaasi oo dhawaaan ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa la soo sheegay in dagaalka xoogiisa uu istaagay haatan, hase ahaatee warku wuxuu sheegayaa in inta u dhaxaysa Baladwayne iyo Kalabayar-ka miino ay kula kacday maanta gaari nuuciisa lagu sheegay Uuraal oo ay saarnaayeen ciidamo Ethiopian ah kaasi oo aan la’ogayn khasaaraha ka soo gaaray ciidamadii Ethiopian-ka.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la xiriirtay goobihi lagu dagaalamay ayaa sheegay in  iminka xaaladdu ay kacsan tahay, lana  filan karo in dagaaal rogaal celin ah uu dhexmaro ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowadda iyadoo deegaanka Ceelgaal iyo buurta Qowleed dadkii daganaa ay isaga barkaceen baqdin ay ka qabaan dagaaaladas.

SomaliSwiss   Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: