Halkaan ka akhri
Wararka caawa ka imaanaya magaalada Beled-xaawo ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah Xildhiibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa dagaal rogaal celis ah ku soo qaaday magaalada, taasoo ay galabta casarkii ka saareen Ururka Al-Shabaab.
Ciidamo uu wato Xildhibaan Bare Hiiraale oo ay la socdaan ciidamo Ethiopian ah ayaa caawa Madaafiic BM ah ku garaacaya magaalada Beled-xaawo.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray xaawa magaalada Balad-xaawo ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Madaafiicdaasi.
Magaalada Beled-xaawo ayaa caawa u kala qeybsan dhinacyada ku dagaalamaya oo iyagu kala jooga Bari iyo Galbeed, iyadoo aan la xaqiijin karin cida dagaalka ku gacan sareysa.
SomaliSwiss Baydhabo
Filed under: Baidoa |
You must be logged in to post a comment.