Halkaan ka akhri
Dwladda Federaalka Switzerland ayaa doonayso inay yareyso Afar meelood hal meel tirada dhimashada iyo dhaawaca ka yimaada Shilalka Baabuurta ee Wadooyinka dalkan Swisska, udeedadaas awgeed waxaa shalay Arbacada ahayd Barlamaanka la hor geeyey Mooshin loogu magac-daray «Wadada Runta ah».
Tallaabadan ayaa loogu gun-leeyahay in lagu hagaajiyo xaaladaha Wadooyinka, lana rabo in loogu hortago dhibaatooyinka ay keeni karaan wadooyinka qatarta ah, iyadoo kontrool xoog badan lagu sameyn doono wadayaasha baabuurta ee isticmaala Khamriga iyo Maandooriyaasha.
Mooshinka «Wadada Runta ah » ayaa waxaa lagu qeexay in Caruurta ay Bashkiilka ku wadi karaan marka ay gaaraan 7 Sano jir, waxaana qasab ku ah inay qaataan Koofida badbaada madaxa qofka.
Si kasta ha ahaatee Mooshinkan ayaa la sheegay in uu si baahsan wax uga beddeli doono habsocdka Baabuurta ee Wadooyinka dalkan Switzerland, hase yeeshee waxaa Mooshinkan lagu caddeeyey in Sanadkii tegay ee 209ka ay wadooyinka Swissku ay ka dhaceen Shilal culus, kuwaas oo ay ku nafwaayeen 349 qof, balse dhaawaca uu ahaa mid laba jibaaran.
SomaliSwiss Swissinfo
Filed under: Bern Swiss |
You must be logged in to post a comment.