Xildhibaanada Barlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta u fadhiya ansixinta Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Farmaajo.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in maanta la filayo in Xildhibaanada ay u Barlamaanka fadhiistaan ansixinta ama diidmada Ra’iisul wasaaraha cusub, kaasoo la sheegay in maanta uu hortagayo Barlamaanka si codka  inay kalsoonida siiyaan.

Kulanka Xildhibaanada barlamaanka ayaa wuxuu saaka ka furmay Xarunta golaga Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana  lagu wadaa in Ra’iiusl-wasaarha Cusub Max’ed C/laahi Max’ed uu halkaas ka jeedin doono Barnaamijka howl-qabadka Xukuumadda uu soo dhisi doono wuxuuna waydiisan doonaa Xildhibaanada Barlamanka cod kalsooni ah.

Sida aad la socotaan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa wuxuu  kulamo gooni gooni oo uu la yeeshay Xildhibaanada Barlmanka ugu baaqay in codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo.  

Hase ahaate lama Saadaalin karo in xildhibaanada codka u diidayaan Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo), balse waxaa loo badinayaa in Xildhibaanada ay cod caqlabiyad leh ku ansixin doonaan maanta marka uu hortago Mudanayaasha Baarlamanka.

Si kasta ha ahaatee waxaa laga dhur sugayaa natiijada ka soo bixi doonta kullanka Xildhibaanada oo si heer aan caadi ahayn uga socda Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: