Magaalada Kuala lumpur ee dalka Malaysia oo lagu qabtay Shirkii 5-aad ee Wasiirada Tacliinta Sare ee wadamada Islaamka.

Halkaan ka akhri

Waxaa Xarunta Kuala lumpur Convention Centre  ee dalka Malaysia lagu qabtay  Shirkii 5aad ee Wasiirada tacliinta iyo waxbarashada sare ee wadamada Islaamka, Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hey’ada SESCO, wuxuuna ka furmay  magaalada  Kuala lumpur ee wadankan Malaysia, shalay oo taariikhdu ku beegnayd 19-10-2010 wuxuuna socondoonaa ilaa 21-ka Oktobar 2010.

Sida la sheegay ujeedada ugu muhimsan ee shirkan ayaa waxay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tacliinta sare gaar ahaan Seyniska, iyo Cilmi baarista (Research) ee wadamada caalanka Islaamka iyo waliba sidii loo dhiiragalin lahaa aqoonyahanada in eey baaritaano dheeraad ah iyo horumarinba ku sameeyaan dhinacyadaa aqooneed ee sida gaarka ah muhiimka ugu ah ummada islaamka maanta.

Shirkan oo dhowkii sanaba meel lagu qabto ayaa kiisii ugu horeeyey waxaa la qabtay caasimada wadanka Saudi Arabia ee Riyadh sanadka markuu ahaa 2000, sidoo kale  Kii 2aad waxaa lagu qabtay caasimada wadanka Liibiya ee Tripoli Sanadka markuu ahaa 2003, kan Shirkii 3aad ee dhacay 2006-dii ayaa isna lagu qabtay caasimada wadanka Kuwait ee Kuwait, kii ugu danbeeyina ee ahaa  Kulankii 4aad waxaa lagu qabtay magaalada Baku ee wadankan Azerbaijan, waxaana  hadda uu socdaa kii 5-aad caasimada wadanka Malaysia ee Kuala Lumpur.

Shirkan Caalamiga ah oo Mas’uulka ugu sareeya “The Chief guest” uu ka ahaa Tan Sri Dato’ HajiMuhyiddin Yassin oo ah Ra’isul wasaare ku xigeenka wadanka Malaysia  ayaa wuxuu aad ugu dheeraadey sida wadankiisa uu u higsanayo in uu ku biiro wadamada hore u maray (high income nations) marka la gaaro 2020-da. Wuxuu sheegey in Ololaha iyo Halku dhiga dowladiisu yahay: Hal Malaysia oo ah Dadka oo waxkasta laga hor mariyo iyo waxqabada hada ah (1Malaysia, People first, performance now!) Wuxuu sheegey 10-ka sano ee soo socda melaha ay aadka xooga u saari doonaan qorshayaashoodana ugu muhiimsan ay yihiin:Dhimista Crime-ka, Sare u qaadida tayada waxbarashada iyo helitaanka tacliinta sare, Ku dhiiragalinta iyo ku awoodsiinta dumarka dhinacyada cilmi barista (research) iyo Tiknoolojiyadaba, Horumarinta Nidaamka wax Daabulidda (transportation system), Dhaqaale u abuurida dadka dhaqaalahooda liito/hooseeyo, iyo ugu dambeyn horumarinta reer Miyiga.

sidoo kale Shirkan heerka caalamiga ah waxaa ka soo qeyb galay madax aad  u farabadan oo isugu jirtey inta badan wasiirada tacliinta sare ee wadamada Islaamka, wadax ka socotey hey’adaha aan dowliga aheyn, Safiiro aad u farabadan iyo wafdiyo caalamka dacaladiisa ka kala yimid.

Dhanka kale  waxaa Shirkan abaal marino lagu gudoonsiiyey Lix  aqoonyahano midkiibana la isugu daray Bilad Dahab ah, Shahaado Sharaf caalami ah iyo lacag dhan $5000/ (Shan Kun oo Doolarka Mareykanka ah), hase ahaatee Aqoonyahanadan ayaa waxay ka kala yimaadeen wadamada: Iran oo Biology-ga abaalmarinta ku qaadatey, Dhajakistn-na Chemistery-ga, Pakistan research-ga, Jordan Xisaabta, Phalestine Physics-ka, halka Malaysiyana ay ku qaadatey dhinaca Technology-ga.

Sida lagu soo warramay Shirkan ayaa waxaa garab socday Bandhigyo tacliineed oo jaamacadaha wadankan Malaysia iyo kuwa Caalamka Islaamkaba ay ku soo wada bandhigeen kuna xayeysiinayeen tacliinta sare oo ay ula diyaarka ula yihiin ardeykasta oo cilmi doon ah.

Si kasta ha ahaatee Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada Islaamka ayaan ka soo qayb gelin, balse haddii  Safiir u matali lahaa wadankan Malaysia uma joogo Safiir Soomaaliya sidoo kale  waxaa jiray wadama kale oo aan ka soo qeyb galin-Waxaanse kasoo qeyb galay wafdiyo ka yimid magaalada Muqdisho kana socdey hey’ado kala duwan sida isla hey’ada SESCO, iyo macalimiin, shaqaale iyo  ardeyd Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala  socdey Jaamacadaha wadankan Malaysia.

SomaliSwiss  Kuala lumpur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: