Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Jawaab cara leh ka bixiyey eedeymihii loo jeediyay Maamulkiisa.

Halkaan ka akhri

 Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu  wax laga xumaado ku tilmaamay musuq maasuq hantiyadeed oo lagu eedeeyay Maamulka dowladda hoose.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka jabaab celinayay warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud  ee qaranka dowladda KMG Soomaaliya, taasoo lagu sheegay in Maamulka gobolka Banaadir oo uu madaxda ka yahay Mudane Tarsan ay lunsadeen hanti dadwayne hase yeeshee uu sheegay inaysan garanaynin in warqadaasi ay soo gaartay, wuxuuna sheegay gudoomiyaha in haddii ay jirto warqadaas aysan sharciga waxba ka aqoonin, islamarkaana ay doonayaan in ay ceebeeyaan Maamulka gobolka Banaadir.  

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan waxaa uu ugu baaqay Maamulka Bangiga dhexe in aysan tixgalin siinin warka ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka dowladda KMG Soomaaliya kaasi uu ku tilmaamay mid been abuur ah, waxaana uu intaasi raaciyay eedeynta loo soo jeediyay ay tahay mid sharci daro ah oo sidii loogu tal galay aan loogu dhaqmin taasi oo uu tilmamay gudoomiyaha in ay muujinyo inaysan wax sharci ah uu jirin isagoo tibaaxay in Maxkamadda dowladda ay ku caanbaxday eedeymaha waxa aysan cadeeymo u haynin.

 

Sidoo kale Mudane Tarzan ayaa ku tilmaamay eedeymahaas dacaayado raqiis ah oo la siyaasadeeyay, isagoo si kulul u weeraray shaqsiyaad uu ku tilmaamay in lagu yaqaano musuq maasuq oo dacaayado ka daba wada.

Dhanka kale soo baxaya Warar sheegaya in eedeynta Xeer Ilaalinta Qaranka ay daba socoto khilaaf gaar ah oo ka dhex taagan Maxamuud Tarzan iyo Ku-xigeenkiisa C/salaan Dahir Cabdulle oo lagu wado in xilka laga qaado, kadib markii isna la sheegay inuu musuq maasuqa qeybta ugu weyn ka qaatay.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Ku-xigeenka  Maamulka G/Banaadir C/salaan oo lagu soo eedeeyay inuu leexsaday gargaar loogu tala galay shacabka Muqdisho, iyo hanti kale oo canshuur ahaan u soo galay Dowladda hoose, taasoo aheyd tii ay isku qabteen isaga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka Hogaanka Gobolka Banaadir ayaa loo maleeyaa in eedeynta Xeer Ilaalinta qaranka  ay ku soo lug yeelatay.

 SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: