Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo saakay dagan iyo qasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay oo sii badanaya.

Halkaan ka akhri

Xaaladda  Magaalada Caasimada ee Muqdisho ayaa laga soo sheegay inay maanta ay xasiloon tahay gaar ahaan xaaladda xaafadaha Waqooyi Magaalada Muqdisho oo shalay gelinkii danbe dagaalo iyo Duqeymo ku dhex mareen Ciidamada  Dowladda KMG oo gacan ka helaya  kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in khasaarihii ka dhashay dagaaladii iyo Duqeymaha dhex maray dhinacyadii dagaallamayey uu geystay uu sii kordhaya, inkastoo ay xaaladdu deggan tahay oo aan ka jirin wax dagaal ah goobahii shalay lagu hardamay.

Saraakiisha goobaha caafimaadka ayaa sheegay dagaalada in ay ku dhinteen 6 qof  iyo dhaawaca ka badan inta dhimatay oo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay waxay u badan yihiin dad madaafiic kula dhacday xaafado ka baxsan goobaha dagaalada, kadib markii labada dhinac ay  madaafiic culus ku garaaceen degmooyin ka fog fog Degmada C/casiis oo ah halka dagaalada culus ka dhaceen.

Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka in ay jiraan Dhimasho iyo Dhawac fara badan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay, hase yeeshee  lama oga tirada dhabta dhimashada iyo Dhawaca labada dhina, sidoo kale  waxaa la sheegay in xaalada Deganaashaha saakay laga dareemayo xaafadaha Waqooyiga Magaalada Muqdisho aan ahayn mid la isku halayn karo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: