Soomaalida Qaxootiga ku ah Jaziiradda Malta oo ay Albaabo uga furmeen wadamo kamid ah Yurub iyo Maraykanka.

Halkaan ka akhri

Qaxooti fara badan oo ku sugnaa dalka Malta ayaa dib u dejin rasmi ah laga siiyay Mareykanka, Canada iyo qaar kamid ah wadamada Yurub, kuwaas oo loo kala daad gureyn doono wakhtiyada soo socda wadamada aan soo sheegnay.

Qaxooti u badan Soomaali, ayna sidoo kale kamid yihiin Ethiopian iyo Eritrea ayaa nasiib u yeeshay in 100 qof oo kamid ah ay Khamiista soo socota dib u dejin ka helaan wadanka Jarmalka oo kaliya, sida ay sheegtay Jariiradda Times of Malta oo soo xiganeysay wasiirka arimaha gudaha Jarmalka Carm Mifsud Bonnici iyo ambasatorka Jarmalka ee Malta Bernd Braun.

Qaxooti gaaraya 750 qofood oo ay ha’adda UNHCR xafiiskeeda Malta iyo dowladda dalkaasi siiyeen magangalyo bani’aadanimo ah, ayaa waxaa badankooda qaatay dowladda Mareykanka, halka tira kalena ay qaateen dowladaha France iyo Canada.

Maaha markii ugu horeysay oo ay dowladahaasi dad qaxooti ah kasoo qaadaan wadanka Jaziirada ah ee Malta, hase ahaatee waxaa ay markii hore qaadi jireen tira aad uga yar tan hada laqaadayo, tusaale ahaan wadanka Jarmalka sanadkii hore waxaa uu qaaday 31 qof oo kaliya, halka uu hadda qaadayo ku dhowaan 100 qofood.

Sidoo kale dadka ay qaadayaan wadamada Canada iyo Mareykanka ayaa dhowaan waxaa ay bilaabi doonaan howlaha ay dib ugu dejinayaan qaxootigaasi, sida ay ku warantay hay’adda qaxooga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Soomaalida ku sugan dalka Malta oo ay badankood hada qaadanayaan wadamada Mareykanka iyo Jarmalka ayaa iyagu nasiib kusoo gaaray wadanka Malta, halka tiro fara badan ku maqan tahay badweynta u dhexeysa Libya, italy iyo Malta, waxaana la dhihi karaa waa qayb ka mid ah culayskii Somalida ka haystay Malta oo Albaab u furmay.

SomaliSwiss Malta

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: