Ra’isal wasaaraha cusub oo saaka warsaxaafadeed uga hadlay in si qaldan loo fasirtay hadalkii ku aadanaa Nidaamka 4.5-ka.

Halkaan ka akhri

Waxaa Saaka Xafiiska ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia lagu qabtay kulan Warsaxaafadeed uu  R/wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu uga  hadlaayo hadalkii uu ka dhawaajiyay maalntii Shalay kulankii uu xafiiskiisa kula qaatay haween aad u faro badan oo Soomaliyeed, kaasoo ku saabsanbaa nidaamka 4.5-ka oo ay wax ku qeyb sadaan Beelaha Soomalida.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ra’isal wasaaraha cusub Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa uu tilmaamay in nidaamka 4.5-ka sida uu u sheegay ma ahee ay si qaldan ugu fasirteen qaar ka mid ah Siyaasiinyiinta iyo dadweynaha, isagoo tilmaamay in ujeedkiisu ay aheyd oo keliya in uu caddeeyo in nidaamka 4.5-ka uusan aheyn mid xaq ah islamarkaasna uu diyaar u yahay xilligaan in uu u hogaansamo Axdiga KMG-ka Soomaaliya.

Dhanka kale R/wasaaraha ayaa Warsaxaafadeedkan ka caddeeyey in Soomaalidu ay siman tahay, islamarkaasna ay dadkii keenay nidaamka 4.5-ka ay yihiin Shakhsiyaad doonayay in ay kala qeybiyaan Ummaadda Soomaaliyeed.

Sida la wada ogsoon yahay Nidaamka 4.5-ka ayaa ah  Xeerka ay xilligaan Soomalaidu ku qeybsato Awoodaha dhinaca Dowladda waxa ayna Soomaaliya muddo dheer ku shaqeynaysay Awood qeybsiga la xiriira dhinaca Dowladda in kastoo muwaadiniin faro badan oo Soomalai ah ay rummeysanyihiin in nidaamkaasi uusan aheyn mid sharci ah islamarkaasna xal u keeni kara Soomaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: