Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo soo dhaweeyey magacaabista ra’isal wasaaraha cusub, uguna baaqay in uu xilkiisa u guto si caddaalad ah.

Halkaan ka akhri

Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxay ku soo dhaweeyeen magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub Xukuumada KMG ee Soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo).

Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kulankaas uga hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhawaynayeen Odayaasha Beelaha Hawiye magaacista Ra’iisul Wasaaraha Cusub, isla markaana ka rajaynayaa inuu dalka, Diinta iyo dadka uu si caddaalad ah  wax u qaban doono.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Anagu Aqoon uma lihin Mudane Maxamed Farmaajo, balse waxaa nooga muuqata inuu yahay Nin Dalka, Diinta iyo dadka wax u qaban kara”.

Sidoo kale Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamanka KMG in ay Codka kalsoonida leh siiyaan Ra’iisul wasaaraha Cusub, isla markaana aysan dib u dhigin cod siinta marka la horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Sida la wada ogsoon yahay magacaabidda uu  Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya u soo magacaabay Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo) ayaa waxay ahayd mid si aad ah ugu soo baaran degay, hase ahaatee dad badan ay magacaabistaas ku noqotay mid lama fillaan ah, inkastoo dadku ay si weyn ula socon Siyaasadiisa iyo beesha uu ka soo jeeda oo ah  beesha Mareexaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: