Maxkamada ciidamada dowladda KMG oo xukuno kala duwan ku riday dad eedeysanayaal ah.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya  Mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa wuxuu Warbaahinta uga waramay in shalay Maxkamaddu ay xukuno kala duwan  ku riday eedeysanayaal kala duwan oo  gaaraya ilaa 12 qof, kuwaas oo lagu soo eedeeyay denbiyo kala duwan.

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in laba ka mid ah dakaasi oo gacan ku dhiiglayaal ahaa ayagoo maqan lagu xukumay dil toogasho ah, halka qaarka kalena lagu riday xukuno kale.

Dhanka kale gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa  sheegay in  dadka go’aanka Maxamadeed uu ku dhacay uu ka mid yahay Sarkaal ka mid ah ciidamada dowladda kadib markii lagu helay denbi ah in dad rayid ah oo aan waxba galabsan uu si sharci daro ah ku xiray si uu lacag uga qaato sii deyntooda .

Hase yeeshee Mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in aysan dhici doonin musuq maasuq iyo wax is daba marin, waxa uuna digniin u diray kuwa laa luushka qaata iyo kuwa bixiya cidii lagu arkaana ay sharciga la soo hor tagi doonto.

Hase yeeshee dhadadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dadku ka cabanayaa dhibaatootion ku saabsan cadaalad daro ka dhex jirta hey’adaha Ammaanka iyo caddaalada ee dowladda KMG, balse tani ayaa u muuqata mid ay meesha ka saareeyso cabashada dadweynaha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: