Madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Midland oo kulamo la qaatay Odayaal, Waxgarad iyo Diblomaasiyiin kale.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

This slideshow requires JavaScript.

Odayaasha iyo wax garadka beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Midland ayaa si weyn usoo dhaweeyay maamulka uu madaxweynaha ka yahay Eng. C/qaadir Aaden Jiraabey.

Kullan ay isugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya Odyaaal, Waxgarad, Quqaal iyo Siyaasiyiin, ayay ku taageereen madaxweynaha Hiiraan and Midland Ing. C/qaadir Jiraabey.

Odayaasha iyo Waxgaradka kulanka la qaatay madaxweyne C/qaadir Jiraabey ayaa sheegay in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin maamul goboleedka Hiiraan iyo Midland.

Madaxweynaha oo kulankaasi ka hadlayay ayaa waxaa uu u mahad celiyey dadka reer Hiiraan iyo Midland sida ay ugu diyaarka yihiin in ay la garab istaagaan maamulkiisa hiil iyo hooba, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey dhamaan beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Midland ee isaga doortay.

Madaxweyne C/qaadir Jiraabey ayaa yiri “Waxaan ka codsanayaa dhamaan beelaha gobolada dega xilka ay ii magacaabeen in ay igula garab galaan, anigana waxaan balan qaadayaa inaan wax badan ka qabto dhibaatooyinka hadda goboladaasi ka jira”.

Madaxweyne Jiraabey ayaa rajo weyn ka muujiyay in uu dib ugu noqon doono gobolada Hiiraan iyo Midland ee loo magacaabay, uuna sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl gali doono dhowan.

Sidoo kale Odayashii iyo Salaadiintii ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa kamid ahaa odayaasha iyo salaadiinta kasoo jeeda 14 beelood oo gobolada Hiiraan iyo Midland dega, kuwaas oo ay ku jireen Suldaan Xasan Sheikh Isxaaq, Xaaji Axmed Daahir, Xaaji Axmed Garre, Xaaji Gaarane, Cabdi Sheikh Bahalow, Isloow Bishaar Iidow, Caaqil Xuseen Dhimbil Warsame iyo kuwa kale oo badan kuwaas oo matalaayay beelaha.

Eng. C/qaadir Jiraabey waxaa horaantii June ee sanadkan sidoo kale lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha maamulkaasi, kadib markii odayaal, waxgarad, siyaasiyiin kasoo kala jeeda gobolada Hiiraan iyo Midland ay u doorteen in uu madaxweyne noqdo.

Madaxweynaha ayaa hadda waxaa uu kulamo kula leeyahay magaalada Nairobi diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ee daneeya arimaha dalka Soomaaliya, isagoo markaasi kala hadlaya arimaha Hiiraan iyo Midland iyo weliba sidii maamulkiisa loo taageeri lahaa una noqon lahaa mid nabad kusoo dabaala goboladaasi.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: