Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo sheegay in abaalmarin ay siin doonaan Muwaadinkii soo sheega goobaha ay joogaan madaxda Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Bayaan ay soo saareen Hay’adaha amniga qaranka Dowladda KMG Soomaaliya ayaa loogu baaqay dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed in ay soo gudbiyaan wararka ku saabsan halka ay joogaan madaxda sare ee Xarakada Al-Shabaab, waxaana loo ballan qaaday in ay heli doonaan abaalmarino lacageed oo Doollar ah.

Warbixinta Bayaankan  waxaa lagu sheegay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay soo gudbiyaan goobaha ay ku sugan yihiin Madaxda iyo Saraakiisha Xarakada Al-Shabaab iyo dagaal yahanada Ajnabiga ah ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shacabka loogu baaqay bayaanka in ay soo gudbiyaan goobaha ama xarumaha ciidamada lagu tababaro, halka Miinooyinka qarxa lagu farsameeyo, goobaha gaadiidka qaraxyada Ismiidaaminta ah laga soo abaabulo, sida ku qoran bayaanka Hay’adaha Amniga Qaranka Dowladda KMG ee Soomaaliya soo saartay.

Si kasta ha ahaatee nooca baaqan ayaa noqonaya kii ugu horaysay ee ay dowladda KMG Soomaaliya u isticmaasho Abaalmarinta lacageed dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-Shabaab oo kamid ah dagaalyahanada kasoo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: