Golaha Amaanka iyo Nabada Midowga Afrika oo QM. ka codsaday in cunaqabateyn la saaro Dekadaha iyo Garoomada ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Golaha amaanka iyo nabada ee Ururka Midowga Afrika ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay, islamaarkaasna ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan cunaqabteyn loo saaro garoomada diyaaradaha iyo dekadaha ay maamulaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG.

Baaqa Golaha amaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in garoomada iyo dekadaha ay maamulaan xoogaga hubaysan laga soo dejiyo Hubka iyo dagaalyahaniin shisheeye ah, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan uu Ururka Midowga Afrika ugu codsaday qaramada Midoobay in cunaqabateyn la saaro dekdaha iyo garoomadaas.

Golaha amaanka iyo nabada ee Ururka Midowga Afrika waxay dhaleeceyn kulul u jeediyay dowladda wadanka Eritrea oo ay ku eedeeyeen in  taageero militari iyo tababar ciidan ay u fidiyaan dagaalyahanadaha xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya, waxaana sidoo kale dowladda Eritrea lagu eedeeyay inay fududeyso soo daabulida sahayda militari ee ka soo dega  garoomada iyo dekadaha ay maamulaan xoogaga hubaysan.

Sidoo kale Golaha amaanka iyo nabada ee Ururka midowga Afrika wuxuu si aad ah u amaanay howlgalka militari ee ciidamada AMISOM ay ka wadaan gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in ay ku rajo weynyihiin in ciidamadaasi ay wax badan ka taraan amaanka dalka Soomaaliya.

Sida aad la socotaan waxaa dhawaantan kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia Madaxda ururka Midowga Afrika gaar ahaan wasiirada arimaha dibada ayaa waxay walaac ka muujiyeen xaalada ka taagan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.co

%d bloggers like this: