Dagaal u dhaxeeya ciidamo taabacsan dowladda iyo xarakada Al-Shabaab oo saaka ka bilowday duleedka magaalada Baladweyne.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2010/09/baladweyne1.jpg?w=300&h=225

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Saakay mar kale uu ka bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya xarakada Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan dowladda KMG ee gobolka Hiiraan.

 

Warka waxaa uu intaa ku darayaa in dagaalkan uu yahay mid aad u xoogan, isla markaana la isku adeegsanayo hubka cul culus, waxaana lagu soo waramay  in dagaalka uu ku fiday deegaano kale oo duleedka ka xiga magaalada Baladweyne.

 

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in dagaalkaasi uu dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la ogeyn ilaa haatan khasaaraha rasmiga ah.

 

Hase yeeshee dagaalkan ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay ganacsigii ka jiray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana la sheegayaa in qaar kamid ah dadkii ku noolaa deegaanada Ceelgaal iyo Buurta Qowleed ee gobolka Hiiraan ay halkaasi isaga qaxeen.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: