Bulshada ku dhaqan gobolka Gedo gaar ahaan Balad-xaawo oo dareen xoogan ka muujiyey dagaalada ka bilowday deegaanadooda.

Halkaan ka akhri

Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacayay maalmahan dagaalo xoogan oo dad badan ay ku waxyeeloobeen, qaar kalena ay ku nafwaayeen, sidaas darteed waxaa la sheegayaa dadka rayidka ah in ay bilaabeen barakac baahsan, kadib markii shalay halkaasi dagaalo ay ku dhex mareen ciidamada taabacsan dowladda KMG oo uu horkacayo Xildhibaan Barre Hiiraale iyo ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka Balad-xaawo ayaa waxaa ay bilaabeen in ay barakacaan, kadib markii ay dareemeen saan saan colaadeed, hase ahaatee warar kale ayaa sheegaya in  guud ahaan gobolka Gedo laga dareemayo dagaalada kusoo cusboonaaday.

Walwalka iyo barakaca dagaal ayaa waxaa ay ka socdaan, degmooyinka Baardheere, Luuq, Garbahaarey iyo degmooyin kale, sidaasi daraadeed Bulshada deegaanadaas ayaa ka baqdin qaba in uu dagaalka ku soo fido deegaanadooda.

Si kasta ha ahaatee lama saadaalin karo saan saanta colaadeed ee ka jirta gobolka Gedo iyo sida ay ku dhamaan doonaan dagaaladan cusub.

SomaliSwiss Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: