Banaanbax lagu taageerayo R/wasaaraha Cusub oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Banaanbax ballaaran oo lagu taagerayo   R/wasaaraha cusub ee  Soomaaliya oo ay ka qayb galeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay barxaddii hore ee Iskaashatada gaadiidleyda ee ka soo horjeedka ex Fiyoore ee magaalda Muqdisho

Sida lagu soo warramay Banaan baxaan ayaa la soo sheegay in uu soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada Qaranka Soomaalilyeed,   waxaana ka soo qeyb galay ururada Bulashada ee kala duwan, waxaana goobta la isku yimid lagu arkayey Dhalinyaro iyo Haween badan oo xirnaa dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, dadkan ayaa la sheegay ina ka kala yimaadeen degmooyinka gobolka.

Waxaa kaloo la sheegay in  dadweynaha dibadbaxan samaynayey ay siteen  siwirada R/wasaaraha cusub iyo hal ku dhigyo soo dhoweyn u ah xukuumadda cusub ee la filayo in dhowaan la soo dhiso.

Gudoomiyaha dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed C/laahi Maxamed Nuur oo dibadbaxaan ka hadlay wuxuu ugu horeyntii uu faah faahin ka bixiyay u jeedada ay dibad baxaan u soo abaabuleen, wuxuuna sheegay in dhalinyaradu ay soo dhaweynayaan R/wasaraha cusub si dalka looga saaro marxaladda adag ee uu ku jiro.

Sidoo kale waxaa bannaan baxan ka hadlay  gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo ka  hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax aad loogu farxo in dibadbaxakan oo kale oo shacabka  Soomaaliyeed ay  ku taageeraan R/wasaaraha cusub aan horey loo arag, taasoo laga dheehan karo neecaawga Qaranimo ee laga filayo  xukuumadda cusub inay ku dhaqaaqdo.

Dhanka kale Wasiirka dhaqan celinta iyo arrimaha bulshada Pro Maxamed Cumer Dalxa oo hadal qiiro ay ka muuqato goobta dibad baxa ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay dhalin y arada Soomaaliyeed, iyo dowrka ay ku lahaayeen xoreynta dalka iyo hormarintiisa, waxa uuna ku baaqay in umadda Soomaaliyeed ay danaheeda u midowdo.

Si kasta ha ahaatee kadib markii uu madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya uu xilka R/wasaaranimada u magacaabay Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa soo badanayay taageerada iyo soo dhoweynta bulshada qaybaheeda kala duwan ee ay u muujinayeen R/wasaaraha Cusub, waxaana sidoo kale qaar kamid ah  gobollada dalka ay ka dhaceen dibadbaxyo lagu soo dhaweynayo R/wasaaraha Cusub.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: