Ciidamo taabacsan dowladda KMG Soomaaliya oo goor dhow dagaal kula wareegay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Degmada Baladxaawo ayay goor dhow la wareegeen  Ciidamo dowladda KMG ah ay leedahay oo uu Hogaaminaayo  Xildhibaan Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale) sida ay ku waramayaan warar goor dhow inaga soo gaaray  Degmada Baladxaawo ee Gobolka Geddo.

Dagaal halkaas ka dhacay ayaa la sheegayaa inay Ciidamada dowladda KMG ah si toos ah kula wareegaan Magaaladaasi oo ay horay uga talin jireen  Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Dowladda lasoo sheegayo inay haatan gacanta ku hayaan talada magaaldaas.

Ciidamada Dowladda KMG ayaa markii ay la wareegeen magaalda, waxay dadka u sheegeen inay is dejiyaan kuna sugnaadaan guryahooda ilaa inta laga xaqiijinayo amaanka magaaalada.

SomaliSwiss Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: