Xubno ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo lagu maxkamadaynayo dalka Sweden.

Halkaan ka akhri

Laba qof oo Somali Swedish ah ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay qorsheynayeen inay weeraro argagixiso ka fuliyaan dalka Somalia, sida ay sheegtay maxkamadda koonfur galbeed ee magaalada Gothenberg ee dalka Sweden.

Sida lagu qoray waraaqaha dacwadda, Maxamd Jamaac oo 22 jir ah iyo Bile Ilyaas Maxamed oo 26 jir ah, waxay labadaas nin ahaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dalka Somalia, ee xiriirka la leh shabakada Al-Qaida.

Labada nin ayaa bilihii May iyo June lagu kala xiray magaalooyinka Gothenburg iyo Stockholm, ee dalkaasi Sweden, waxaa lagu tuhmayaa inay qorsheeyeen weeraro ismiidaamin ah oo ay ka fuliyaan dalka Somaliya.

SomaliSwiss Malmo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: