Wakiilka Qarmada Midoobay ee Soomaaliya oo soo dhaweeyey Magacaabidda ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wakiilka xogahayaha guud ee Qaramada Midoobe Soomaaliya u qaabilsan ayaa soo dhoweeyey u magacaabidda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo inuu noqdo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dr Augustina Mahiga ayaa shalay ka hadalay magacaabidda  R/wasaaraha cusub wuxuuna arrintaas ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo horay loogu qaaday Siyaasadda Soomaaliya.

Wakiilku wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay si aad ah u soo dhoweyneys, islamarkaana ay madaxda Soomaaliyeed oo baarlamaanka ugu horeeyo ay si deg deg ah ku ansixiyaan marka la hor geeyo xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono.

Mudane Dr Augustina Mahiga oo warsaxaafadeed siiyey Saxaafadda ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya ay tahay mid halis ah loona baahan yahay in wax laga qabto xaaladda adeg ee haysata shacabka Soomaaliyeed ee Balaayada ku habsatay.

Sidoo kale Wakiilku wuxuu sheegay in Beesha caalamku ay si aad u rajeynayso in R/wasaaraha cusub uu soo magacaabo xukuumad  cusub oo dalka wax ka qabata, taasoo Beesha caalamka ay si aad ah u taageerayso.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: