Shirkii Suxufiyiinta Afrika ugu socday magaalada Bamako ee dalka Maali oo la soo gabagabeeyey…

Halkaan ka akhri

Magaalada Bamako ee xarunta dalka Maali ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey shir ugu socday qaar ka mid ah Suxufiyiinta Qaaradda Afrika, suxufiyiintaas oo tiradoodu dhameys 180 qof oo ka kala socday dhammaan wadamada qaaradda Afrika waxaana looga dooday sida suxufiyiintu ay u tabin karaan warka xilliyada dagaalka.

Madaxwaynaha dalka Maali Ahmadou Toumani  Toure oo Shirkaas furay dorraad,ayaa wuxuu ku booriyay suxufiyiinta Shirka ka qayb galay in ay ka qayb qaataan nabadda qaaradda Afrika oo uu sheegay in xilligaan ay ka nabad badantahay marka loo fiiriyo sanadihii 1990 kii.

Sidoo kale Madaxweyne Ahmadou Toumani  Toure wuxuu soo hadalqaaday dalalka Afrika ee wali dagaaladu ka socdaan sida Somalia wuxuuna uu u rajeeyay shacabka Soomaliyeed in ay garandoonaan dhibaatada dagaalada. Wuxuu sheegay in uu gacan ka gaystay xallinta mashaakilka dalal ka mid ah qaaradda Afrika.

dhanka kale Furitaanka shirkaas waxaa kaloo ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka dalka Liberia Joseph N. Boakai oo dalkiisa aad looga xurmeeyo saxaafadda xorta ah sida uu sheegay.

Warku wuxuu intaa ku daray in halkudhigga Shirka uu ahaa “warbaahinta iyo caqabadaha Nabadda ee Afrika” (Media and the Challenge of Peace in Africa) ayaa waxay suxufiyiintii ka qaybgashay ka doodeen mawdacaan Somalia ayaa loo soo qaatay tusaale ahaan waxaana loo aqoonsaday waddanka ugu dhibka badan marka laga hadlayo saxaafadda madaxa bannaan iyo suxufiyiinta iyo waliba caqabadaha soo wajaha tifaftiraha iyo wariyaha marka lagu jiro xaaladaha dagaalka.

Ururka tifaftirayaasha Suxufiyiinta Afrika(African Editors’ Forum)  oo Shirka qaban qaabadiisa lahaa ayaa waxay u aqoonsaday saaxiibada saxaafadda Madaxweyneyaashii hore ee South Afrika Nelson Mandelle iyo Thabo Mbeki oo labaduba gacan siiyey Warbaahinta Afrika.

Si ha ahaatee waxaa kaloo saaxiibada saxaafada loo aqoonsaday haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Liberia xilligan, Ellen Sirlef Johnson, John Kufour oo ah Madaxweynihii hore ee Ghana iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mali Alpha Oumar Konare ee shirka marti galiyay.

SomaliSwiss     Bamako

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: