Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada Al-shabaab oo isku fara saaray duleedka magaalada Baladweyne.

Halkaan ka akhri

Dagaal culus oo ay Saakay iskaga horimaadeen Ciidamada dowladda iyo Kuwa Al-shabaab ayaa ka qarxay  duleedka magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Sida Warku nagu soo gaaray meesha ay labada Ciidan uu dagaalku isaga horimaadeen ayaa ah Deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 18 KM u jirta Magaalada Balad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid aad u culus.

Hase yeeshee ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalada bale waxaa lagu soo warramayaa in la isu isticmaalay hubka culus iyo kuwa fudud, sidoo kale dadka deegaan ayaa waxay sheegeen in dhawaaqa iyo huuwaanta qoryaha culus iyo maadaafiicda laga  maqlayey meelo aad uga fog deegaan uu ka qarxay dagaalka, sidoo kale dadka ayaa waxay cabsi ka muujiyeen in dagaalku ku soo fido goobo kale oo dadkeeda nabad qaba oo ay ka mid ah naawaaxiga magaalada Balad-weyne.

SomaliSwiss Baladweyne.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: