Shaqaale ka tirsan hey’adda Safe The Children oo lagu afduubtay degmada Cadaado ee gobalka Mudug.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada caadaado ayaa sheegayaa in Koox hubeysanoo aan haybtooda la garanaynin ay  afduub ugu geesatay gudaha degmada cadaado  ee gobalka Mudug shaqaale ka tirsan hey’adda Safe The Children ee halkaas ka waday howl Caafimaad.

Waxaa arrintan xaqiijiyey  gudoomiyaha maamulka degmadaasi, wuxuu sheegay in lagu raad joogo kooxda afduubatay shaqaalaha hey’adda Safe The Children.

Sida lagu soo warramay Shaqaalaha la afduubtay ayaa waxay kala yihiin nin u dhashay Igiriiska iyo nin Soomaali ah, waxaana afduubka galinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha degmada Cadaado.

Gudoomiyaha maamulka degmadaasi ayaa waxaa uu ku tilmaamay afduubka inuu ahaa wax qorsheysan, maadaama shaqaalaha shalay oo keliya ay gaareen degmada Cadaado iyagoo damacsanaa isla maanta inay ka dhaqaaqaan howlihii ay u socdeen.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay dadka falkan sameeyey  inay ujeedadoodu ahayd inay qalqal geliyaan ammaanka balse sida uu sheegay aan laga daba hari doonin.

SomaliSwiss    Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: