Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada KMG oo warbaahinta u sheegay in ay soo afjarayaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada KMG ee ku sugan wijiga hore dagaalka ka socdo Degmada Hodan oo qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho u waramayey ayaa sheegay in sababaha ay ula dagaalamayaan Kooxaha dhibaatada ka wado dalka ay tahay sidii shacabka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa dhibaatada Al-Shabaab iyo kuwa kale ee ku fekerka ah ay u geysanayaan  Shacabka.

Hase yeeshee Sarkaalkan ayaa wuxuu shacabka ugu baaqay in ay dhowdahay xilligii kooxahaan dalka laga sifeyn lahaa, sidoo kale wuxuu shacabka ugu yeeray in ay taageeraan Dowladda si wax muuqda looga qabto kooxaha Al-Shabaab iyo xisbiga Islaamku oo uu sheegay in aysan u diir naxayn Umadda.

Hadalka Ka soo yeeray sarkaalkan ayaa imaanaya xilli shacabka Soomaaliyeed ay la daala dhacayaan Dhibaatooyinka kaga imaanaya dagaalada  ay isaga horjeedaan Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al-Shabaab iyo xisbul islaam oo isku fikrad ah, balse ciidamda Dowladda ay sheeganayaan inay horumar ka sameeyeen howl gallo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: