Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah oo soo dhaweeyey ra’isal wasaaraha cusub.

Halkaan ka akhri

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamanaka KMG Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay magacaabista R/wasaaraha cusub oo shalay loo magacaabay dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxayna u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo Howlaha horyaalla.

Xildhibaanadan ayaa waxay rajo wanaagsan ka muujiyay in R/wasaaraha cusub uu wax badan oo hormar ah ku soo kordhiyo xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in  Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheikh Shariif uu abbaaray inuu u magacaabo nin aan dalka dembi ka gelin islamarkaana yahay nin aqoon u leh Xilka loo  magcaabay Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed inuu noqdo R/wasaaraha cusub ee Xukuumadda Soomaaliya, waxayna sheegeen inay filayaan inuu muujin doono wax qabad iyo howl karnimo.

Si kasta ha ahaatee Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maalintii shlay ahayd loo magacaabay Xilka R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaddib markii uu bishii hore iska casilay jagadiisa Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ahaa R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha cusub looga fadhiyaa inuu wax ka qabto arrimo faro badan oo ay ugu muhiimsan tahay nabadgelyada Guud ee wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: