Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo soo dhoweeyay magacaabista ra’isal wasaaraha cusub.

Halkaan ka akhri

Bayaan ay soo saareen Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaacah ayaa waxay  si kal iyo laab ku jirto u soo dhoweeyay magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Bayaankan ayaa ka soo baxay Culimada ayaa lagu sheegay in taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo loo yaqaano Farmaaje, kaasoo ay ku tilmaameen ruux ku xeel dheer siyaasada.

Waxay  kaloo ay Culimada talo iyo fikrad ahaan  u jeediyeen  Ra’iisul Wasaaraha cusub,  in looga baahan yahay inuu soo dhiso Xukuumad tayo iyo waxqabad leh, oo xaalada adag ee dalka uu ku jiro ka samata bixiso, waxayna ugu baaqeen shacabka soomaaliyed inay taageeraan Ra’iisul Wasaaraha cusub, si waajibaadka qaran uu u guto, iyagoo u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha inuu alle kula garab galo xilkiisa.

Dhanka kale Bayaanka ayaa lagu xusay in Ra’iisul wasaarahan cusub uu Alle ka dhigo kii dalkiisa, dadkiisa wax u qabta, uuna noqdo kii ku guuleysta nabad ku soo dabaalida dalka iyo xasilinta.

Hase yeeshee Culimada waxay sheegeen in ay xukuumada cusub ee la soo dhisi doono looga baahan yahay inay gacanta ku qabato ammaanka, ayna ka hortagto kooxaha dalka dhibaatada ka wada, shacabkana ay ka samata bixiso qatarta iyo fowdada ay ku jiraan.

 

Balse Culimada ayaa waxay ugu dambeyntii sheegay in tallaabo wanaagsan ay tahay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, ayna dhankooda la garab taagan yihiin taageero hiil iyo hoo, ayna waxqabadkeeda ka rajeynayaan inuu mira dhalo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: