Nabadoon Axmed Diiriye: shacabka Muqdisho waxaan kula talin lahayn in ay ka fogaadaan goobaha lagu dagaalamayo.

Halkaan ka akhri

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah  Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in  odayaasha dhaqanku ay aad iyo aad uga xun yihiin dagaalada iyo Duqeymaha maatida Muqdisho ku la’anayaan.

Sidoo kale  Nabadoon Axmed Diiriye  wuxuu u caddeeyey shacabka in taladan tahay muhim ayna uga badbaadi karaan dagaalada ka socda Muqdisho dhimashada iyo dhaawaca joogtada uga soo gaarta, dhibaatadaasi oo aan waxba la iska weydiin maalin kastana joogto ka ah Muqdisho.

Afhayeenku  wuxuu Shacabka ugu baaqay in ay ka guuraan goobaha dagaalada kana fogaadaan meelaha madaafiicda la isku weydaarsanayo, si loo bad baadiyo dhiiga shacabka.

Sidoo kale afhayeenka waxa uu sheegay qoysaska isku dhajinaya Magaalada Muqdisho in ay qataan go’aan ah guuris isla markaana tagaan goobaha Nabada ka jirto sida duleedka Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee koonfurta Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee lama oga in shacabka ay qaadan doonaan taladaas iyo baaqaas muhimka ah oo uu jeediyey afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: