Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo ra’isal wasaaraha cusub u magacaabay Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa galabnimadii maanta ra’isal wasaaraha cusub u magacaabay Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaarjo.

Shir jaraa’id oo uu madaxweynaha galabta ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegay in ra’isul wasaarahan cusub laga sugayo in uu soo dhiso xukuumad wax ka qabata dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirkaasi jaraa’id ka hadlay ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullahi Farmaajo, waxaana uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dhawaan uu usoo dhisi doono xukuumad wax ka badasha marxalada uu haatan  marayo dalka Soomaaliya.

Ra’isal wasaaraha cusub ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadii 1962-dii, waxaana waxbarashadiisa uu inta badan kusoo qaatay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa uu haatan ka yimid dalka Mareykanka, waxaana uu isago 20 jir ah uu ka shaqeeyay safaarada Soomaaliya ee New York, waxaana la sheegaa in iyo ilaa xiligaasi uu ku sugnaa dalka Mareykanka.

Dadka sida gaarka ah u yaqaana Ra’iisul Wasaaraha cusub waxaa ay sheegeen in uu ahaa nin aan looga baran Fagaarayaasha Siyaasadaha Soomaaliya.

Dhanka kale ra’isal wasaaraha cusub ayaa daqiiqado kadib markii loo magacaabay, waxaa uu sheegay in muhiimada kowaad uu siinayo wax ka qabashada amniga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale ra’isal wasaare Maxamed C/llaahi  Maxamed (Farmaajo)  oo maanta xarunta Madaxtooyada kula hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Xukuumada uu soo dhisi doono ay wax  badan ka qaban doonaan xaaladda amni daro ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee ra’isal wasaaraha cusub waxaa uu sheegay in uu iskaashi buuxa la yeelan doono xubnaha Baarlamanka KMG Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, si iyagoo wada jira ay wax uga qabtaan dhibaatada daba dheeraatay ee ka jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibaato kasta oo umada Soomaaliyeed hortaala looga bixi karo oo kaliya in la helo bulsho isku duuban  oo awood u yeelata samatabixinta dadkooda, waxaana uu kalsooni ka muujiyay in amaanka ay wax ka qabaneyso xukuumada uu soo dhisayo.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: