Xarakada Al-Shabaab oo la wareegtay garoonka diyaaradaha KM-50, hakadna galisay diyaaradihii qaadka keeni jiray.

Halkaan ka akhri

Ciidamo ka tirsan maamulka xarkada Al-shabaab ee Shabeelaha hoose ayaa shalay galab si rasmi ah ula wareegay garoonka Diyaaradaha No-50 ee Gobolka Sh/hoose.

La wareegida garoonka diyaaradaha ayaa ka dambeysay kadib markii maalinimadii dorraad ay Maleeshiyo ka tirsan isla kooxdaas ay biliqo u geysteen garoonk,a iyagoo hub ka dhigis ku sameeyay ilaaladii garoonka ku sugneyd, isla markaana ay ka qaateen qoryihii ay heysteen iyo mid ka mid ah gaadiidka dagaalka iyo qalabkii garoonka ka howlgalayay.
 
Dhanka kale Laba ka tirsan howlwadeenada garoonka ayaa lagu waramayaa in ay horay u wateen kooxahaasi la wareegay garoonka halka shaqaalihii kalena ay ku wargeliyeen in ay isaga tagaan halkaas.

 

Balse Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in xiligan wixii ka dambeeya uu garoonkaasi No-50 yahay xero ciidan, waxayna hakad galiyeen duulimaadyadii iyo diyaaradihii qaadka keeni jiray Garoonkaas iyadoo arrintaasina ay walaac ka muujiyeen dadka ka ganacsada qaadka.

Hase yeeshee Qaadka laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha ee KM-50 ayaa waxaa ka ganacsatada haween iyo rag farabadan kuwaasi oo noloshooda iyo mid caruurtooda ku maareeya waxyaabaha ay ka haleen qaadkaasi, waxaana ilaa iyo hadda si dhab ah aan loo ogeyn ujeedada ka dambeysay la wareegista Garoonkaas ee Xarakada Al Shabaab iyo waqtiga ay ka qaadi doonaan Xanibaada

 

Si kasta ha ahaatee talaabadan ayaa ku soo beegmayso xili ay maamulka Al-Shabaab ay wadaan la wareegidda goobaha muhiimka ah ee aan maamulkooda hoos tagin ee laga helo ilo dhaqaale, sida garoonka diyaaradaha No-50 ee gobolka Sh/hoose oo mudooyinkan dambe isticmaali jireen diyaaradaha qaadka ka keena dalka Kenya, kaasoo uu gacanta ku hayay ganacsade Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xeef) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka dawladda KMG.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: