Taliska ciidamada Badda Mareykanka oo shaaciyey in Burcad badeed Soomaali ah uu gacanta ka saaray dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

War ay shaaciyeen Taliska ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan xeebaha geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya gacanta loo geliyey 9-qof oo burcad badeed Soomaali ah iyo shan qori gacmeed oo ay wateen, waxaana ragaas loo taxaabay xabsi ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana la filayaa  in maalmaha soo socda maxkamad la hor keeni doono.

Afhayeenka ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Badweynta India ayaa sheegay in 9-ka qof ee burcad badeeda ah ay dhowaan ka soo qabteen xeebaha gacanka cadmeed xilli ay damacsanaayeen inay afduubaan markab laga leeyahay dalka Jarmalka oo halkaasi marayay xilli kolonyo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ay la kulmeen dhacdadaas isla markaana bilaabay howlgallo lagu qabanayo 9-nin, hubkii iyo doontii ay wateen.

Sida laga warqabo xabsiyada ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa  ku xiran boqolaal ka tirsan burcad badeeda Soomaaliya, waxaana la filayaa in Dowladda Kenya ay maalmaha soo socda ay maxkamadeyn doonto 9-ka qof ee ay soo qabteen ciidanka Badda Mareykanka, hase yeeshee  lama oga xukunka ay muteysanayaan kooxahaasi, inkastoo aan jirin sharci gaar ah ee u degsan burcad badeeda.

Dhanka kale ma aha markii ugu horeysay oo dalka Kenya maxkamad lagu saaro dad lagu soo eedeeyey falal burcad badeednimo, balse waxaa jiray dad badan oo Burcad badeed Soomaali ah oo horay maxkamad ku xukuntay xabsi dhowr sano ah, hase ahaatee waxay maxkamadu ay sii deysay kuwo lagu waayey dembiyada lagu soo eedeeyey.

SomaliSwiss  Mombasa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: