Golaha Nabadda iyo Amaanka Midowga Africa oo ka doodaya wax-qabadka ciidamada AMISOM.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta kulan uga furmay magaalada Adis Ababa wasiirada arrimaha dibadda iyo Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Midowga Africa waxaana la sheegay in kulankaas ay uga doodi doonaan Howl-qabadka ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM.

Sida laga soo xigtay safiirka dowladda Kenya u jooga magaalada Adis Ababa Dr. Monica Juma oo bishaan ah gudoomiyaha PSC, ayaa sheegay in kulanka heerka wasiir sidoo kale looga munaashaqoon doono sidii wadamada Africa ay u kordhin lahaayeen dadaalada Soomaliya lagu xalinayo.

Sidoo kale Wasiirada arimaha dibadda ee 15 xubnood oo ka mid ah Midowga Africa iyo golaha nabadda iyo amaanka (PSC) ayaa loo qorsheeyay in ay maalinta Jimcada isugu yimaadaan Adis Aba si ay uga wada hadalaan arrimo ku aaddan howlaha midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala iyo xaalka guud ee dalka   Soomaaliya.

Sida ay faafisay Wakaaladda waraka Africa ee PANA  in wasiiradu ay iyaguna ka doodi doonaan Howl-qabadka  (Mandate) Ciidamada AMISOM ee sida wayn uga qayb qaatay ilaalada goobaha muhiimka ah iyo sugidda amaanka magaalada magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu kaloo intaa ku daray in wasiiradu ay ka hadli doonaan ka baaraan degidda baahida Amisom ee ku aaddan awood xooggan oo dhinac kasta ka dhisan si kooxaha dowladda iyo dadka ka soo horjeeda loola dagaalamo.

Si kasta ha ahaatee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in kulan gooni ah oo arrinta Soomaaliya ku saabsan ay yeelan doonaan 21ka bishaan, ayadoo golaha nabadda ee Midowga Afrika uu kulankiisan ku diyaarin doono ajandayaasha Soomaaliya ku saabsan ee uu la hor tagayo kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

SomaliSwiss  Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: