Afhayeenka ciidamada AMISOM oo beeniyay hadal ka soo yeeray xarakada Al-Shabaab oo ahaa in aysan shacabka Soomaaliyeed tagin Isbitaalada Amisom.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Bridgye Bohoko ayaa si kulul u beeniyay hadal ka soo yeeray xarakada Al-Shabaab oo looga digayay dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool in aysan tegi karin Isbitaalada ciidamada Amisom oo ay ku eedeeyeen in lagu faafiyo cuduro halis ah.

Afhayeenka Amisom ayaa yiri “Hadalka Al-Shabaab waa mid dadka danta yar ay ugu diidayaan daryeelka iyo daaweynta caafimaad ee lacag la’aanta ee aan u fidino dadka danyarta ah, taasoo la mid ah talaabooyinkii ay horay kooxda Al-Shabaab dadka tabaaleysan uga joojiyeen gargaaraka beesha caalamka”.

Baridgye Bohoko ayaa sheegay daaweynta caafimaad ee ay AMISOM wado in ay tahay mid ay ka warhayaan taqaatiirta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed, taasoo ah mid tayo leh, isla markaana qeyb ka ah gargaarka dadka Soomaaliyeed oo ay daraadood dalka u yimideen, sida uu sheegay afhayeenka.

“Marna lagama yaabo inaan joojino howlaha samafalka ah ee dadka danyarta ah aan ufidino, kuwaas oo aan iibsan karin dawooyinka ay u baahan yihiin, waxaana dadweynaha ugu baaqaynaa in aysan dheg jalaq u siin hanjabaada kooxda damiir laawayaasha ah ee Al-Shabaab.

Afhayeenka Amisom waxaa uu intaa sii raaciyay in ay sii wadi doonaa daawooyinka lacag la’aanta ah ee ay siiyaan dadweynaha danyarta ah ee iyagu ku dhibaateysan dagaalada iyo dhibaatada ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: