Wasiirka arimaha dibada ee dalka Jabuuti oo mar kale ku celiyay in Dawladdiisa ay u dirayso Ciidamo nabad ilaalineed dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Mudane Max’uud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka arimaha dibada ee dalka Jabuuti ayaa mar kale ku celiyay in Dawlada Jabuuti ay ka go’antahay in ay u dirayaan sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo nabad ilaalineed ee taageera dawlada KMG.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaa naga go’an in aan sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo ugu dirno walaalahanaga Soomaaliyeed, mana ahan ciidamada aan direyno kuwo ka qeyb qaadanaya dagaalada iyo burburka ka jira Muqdisho, waana kuwo tababaro siinayo saraakiisha ciidamda” wuxuunaa intaa ku daray in talaabadaasi uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle hor dhigay shirkii wadamada Carabta iyo Afrika ay ku yeesheen magaalada Sirt ee dalka Liibiya.

Sidoo kale Wasiirka arrimha dibada ee jabuuti wuuxuu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid si dhaqsi ah u hergeli doono oo ay ugu gurmanayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed in ay ka shaqeyaan dibu heshiisiinta iyo soo celinta nabadii ka jiri jirtay Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Wasiirka wuxuu ku nuunuuxsaday in dhamaanba dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo u siman oo aanay la safneyn dhinac gaar ah ama koox gooni ah.

SomaiSwiss  Jabuuti

SomaiSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: