Ban Ki Moon oo sheegay in wada shaqeynta Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabta ay wax weyn ka tari doonto xallinta dhibaatada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in wada shaqeynta beesha caalamka,  gaar ahaan dowladaha ku bahoobay Midowga Afica iyo Jaamacadda Carabta inay gacan ka geysaneyso xallinta dhibaatada ka jirta dalka  Soomaaliya.

Sidoo kale Xoghayuhu wuxuu  ugu baaqay dowladahaasi iyo guud ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya inay sameeyaan wada shaqeyn iyo iskaasi ayna dardar geliyaan arrintaasi.

Hase yeeshee Ban Ki Moon ayaa wuxuu ku amaanay Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabta dadaalada ay ugu jiraan xallinta dhibaatooyinka dalalka Africa oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu xusay xaaladda Soomaaliya inay tahay mid aad u cakiran oo u baahan wax ka qabasho la isku kaashaday oo ka yimaada dowladaha caalamka.

Waxaa kaloo Ban Ki Moon uu ku tilmaamay qodobadii ka soo baxay shirkii magaalada Sirte ee dalka Libya inuu ahaa mid aad muhiim ah, kaasi oo looga hadlayay dhibaatooyinka ka taagan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Ban Ki Moon wuxuu ugu baaqay beesha Caalamka in  weerarada burcad badeeda iyo argagixisada loogu hortagi karo oo keliya iskaashi, wuxuuna sheegay dowladda KMG inay haatan dareemeyso isbedel iyo hormar, taasoo loo baahan yahay buu yiri in iyadana la xoojiyo.

SomaiSwiss New York

SomaiSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: