Ahlu Sunna Waljameeca oo soo bandhigtay Sarkaal ay sheegeen inuu kasoo goostay xarakada Al-Shabab


Halkaan ka akhri

Afhayeenka Culumaa’udiinka AhluSunna waljamaaca Sheikh C/laahi Sheikh C/raxmaan (Abuu Yuusuf Al Qaadi) oo haatan ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu Ururkooda ku soo biiray sargaal ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Afhayeenka oo la hadlayay Warbaahinta Gobolka galgaduud ayaa wuxuu sheegay in maalin ka hor ninkaani ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab uu ku soo biiray, waxaana loo soo bandhigay Sarkaalkaas boqolaal qof oo ku sugan Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Abuu Yuusuf Al Qaadi wuxuu Caddeeyey in qofkan aan dagaal lagu soo qaban balse uu keligiis ku soo biiray Ururka Ahlusunna, kadib markuu fahmay in waxyaabaha Ā ay Al-Shabaab ugu sheekeysay dhalinyarada inay yihiin kuwa qaldan oo lagu marin-habaabinayo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Sheikh C/laahi Sheikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa sheegay in ay jiraan rag kale oo ka tirsan Xarakada AL-Shabaab oo ku soo biiray dhankooda kuwaasi oo uu tilmaamay in wali aysan saxaafada u soo bandhigin.

Hase yeeshee qofka la sheegay in uu ka soo goostay Xarakada Al Shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud ayaa Isna lahadlay Saxaafadda, wuxuuna sheegay in uuĀ  ka tirsanaa Saraakiisha ciidanka ee Al-Shabaab, hase ahaatee uu talaabadan uu qaaday kadib markuu arkay qaladka ay ku socdaan Xarakada Al-Shabaab.

Si kasta ha ahaatee dhanka Xarakada Al-Shabaab wali kama ay soo bixin war la xiriira arrinta ay sheegeen ee ku aadan qofkan isu dhiibay Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, kana Ā soo goostay Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Cabudwaaq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: