Masuul ka tirsan QM oo lagu wado inuu qabto xilka Ra’isal wasaarenimada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Dr. Max’uud Cali Xaaji oo ka mid ah masuuliyiinta Qaramada Midoobay u qaabilsan bariga Afrika ayaa isku soo taagay xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, oo Maalmo kadib lagu wado in uu ku dhawaaqo Madaxweyne Sheikh Shariif marka uu ku soo laabto Waddanka. 

Sidoo kale Dr. Max’uud Cali Xaaji oo u hadlayey qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida  ayaa wuxuu sheegay in uu u taagan yahay qabashada xilka Ra’iisul wasaaraha xukuumada kMG Soomaaliya.

Hase yeeshee Max’uud Xaaji wuxuu sheegay in haatan shaqadii uu u hayay Qaramada Midoobay uu isaga tagay islamarkaana uu u soo jeestay in uu ka faa’iideysto fursada banaan ee Ra’iisul wasaaranimo, waxaana uu tilmaamay in wadamo badan oo ka tirsan Qaarada Afrika oo bur bursanaa uu wax ka soo qabtay in uu hayay xilka Qaramada Midoobay ee Bariga Afrika.

Wuxuu kaloo uu sheegay in hadii loo magacaabo Ra’iisul wasaaraha KMG Soomaaliya uu wax ka qabanayo arimo ay ka mid yihiin amaanka iyo dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho islamarkaana uu mideynayo shacabka Soomaaliyeed, AMISOM-na ay ku shaqeyneyso amar ka imaanaya dowladda KMG oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Max’uud Cali Xaaji oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan u taaganahay Jagada Wasiirka koowaad ee maanta Banaan ee loo tartamayo, maadaama aan dalal badan oo sida Soomaaliya oo kale u bur buray aan dhismayaashooda ka soo shaqeeyay, waxaana jeclahay in wadankeyga aan dhiso, waxa ugu hooreeya ee aan ka shaqeynayo waa nabad galyada, in la joojiyo dhiiga daadanaya iyo caawinta dadka barakacayaasha ah”.

Dhanka kale Dr. Max’uud wuxuu tibaaxay ee uu sheegay in uu la kulmay masuuliyiin badan oo ka tirsan wadamada Caalamka oo daneeya arimaha Soomaaliya, waxaana uu sidaasi darteed kalsooni ka muujiyay in uu wax ka qaban doono Xaalada Soomaaliya haddii xilkaasi loo magacaabo.

Si kasta ha ahaatee Masuulkan isku soo taagay xilka Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu ku biirayaa ku dhawaad 10 masuul oo isku soo taagay xilka Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya walow aan si dhab ah loo cadeyn karin cida noqoneysa Ra’iisul wasaaraha ama uu u magacaabayo Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

SomaliSwiss:    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: