Madaxweynaha Hiiraan and Midland oo shalay codka kalsoonida ay magaalada Nairobi ku siiyeen belaha dega goboladaasi.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

 

This slideshow requires JavaScript.

 

Madaxweynaha Maamul goboleeedka Hiiraan and Midland Eng. C/qaadir Aadan Jiraabey, ayay shalay markale ku doorteen beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Midland, magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo maalmahan oo dhan ay ka socotay soo dhaweyn iyo kulamo beelaha ay la samaynayeen madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Odayaal, Salaaddiin, Cuqaal, Siyaasiyiin,  iyo Wax-garad kala duwan oo ah kuwa hogaamiya beelaha dega gobolada Hiiraan and Midland, ayaa maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya mar labaad codkooda ku siiyay Madaxweyne Eng. C/qaadir Aadan Jiraabey.

Madaxweyne Eng. Jiraabey ayaa horey sidaas oo kale reer Hiiraan iyo Midland kusoo caleemo saareen, isla markaana ugu soo doorteen Madaxweyne, magaalda London ee dalka Ingiriiska. HALKAN RIIX Xaflad lagu maamuusay caleema saarka madaxweynaha maamul goboleedka HIRAN AND MIDLAND oo xalay lagu qabtay magaalada London.

Markii labaad ayay shalay Odayaal, Salaaddiin Cuqaal, Wax-garad iyo Siyaasiyiin kala matalaayay in ka badan 14 beelood oo Hiiraan iyo Midland dega, kuwaas oo madaxweynaha siiyay codkooda kalsoonida, kadib xaflad ka dhacday Hotelka Royal ee magaalada Nairobi.

Kullanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda gobalka Hiiraan oo dowladda KMG Soomaaliya ku jira, waxana ka mid ah xidlhibaan C/qaadir Max’ed Dhicisow.

Madaxweynaha maamulka Hiiraan and Midland Eng. C/qaadir Jiraabey oo ka hadlay madashii ay odayaasha ku doorteen, isagoona ballan qaaday in uu sameyn doono wax kasta oo karaankiisa ah, isla markaana maamul kala dambayn iyo nabad ku soo dabaali doono goboladaasi sameyn doono.

“Waxan ka codsanayaa dhamaan beelaha xilka ay ii magacaabeen inay ila garab galaan, anigoo rajeynaya inaan wax badan ka qaban doono arrimaha hadda ka taagan goboladaasi” ayuu yiri madaxweyne Jiraabey.

Eng. C/qaadir Jiraabey ayaa rajo wayn ka muujiyay in uu sida ugu dhaqsaha badan dib ugu noqdo gobalka loo magacaabay uuna sida ugu macquulsan uga howl galo gobalkaasi, iyadoo ay odayashii ka hadlay kullankaasi ka mid ahaayeen; Suldaan Xasan Sheekh Isxaaq, Xaaji Axmed Daahir, Xaaji Axmed Garre, Xaaji Gaarane, Dr Axmed Xasan Gabax, C/llaahi Cusmaan Maxamed, Cali Xasan, Cabdi sheekh Bahaloow iyo kuwa kale oo badan kuwaas oo matalaayay beelaha gobalka Hiiraan dega.

WAXAAD GOORDHOW NAGA FILATAAN SAWIRO KALE IYO VIDEO-YO OO AAN IDIIN SOO GUDBIN DOONO HADII RABI IDMO…

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: