Sirdoonka Mareykanka oo sheegay in tirada ugu badan ee Hogaanka Al-Shabaab ay yihiin dad Mareykan ah.

Halkaan ka akhri

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay isla markaana isha ku hayso, dad fara badan oo Jihaadiyiin Maraykan ah oo ka mid noqday taliska sare ee hogaanka Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo laf dhabar u ah talada Xarakada.

Terrance Ford oo ah agaasimaha sirdoonka iyo horumarinta aqoonta ee AFRICOM ayaa sheegay in qiyaastii 40 jihaadiyiin Mareykan ah oo ka tagay dalkiisa la rumeysan yahay inay tageen Somalia kuna biireen Al-Shabab, isagoo wel wel xoogan ka muujiyay in badan oo dadkaas ka mid ah in ay hayaan jagooyin waawayn oo muhiim ah.

Ford ayaa walaaca arrintaas saldhig uga dhigay in 43 ka mid ah golaha sare ee Alshabaab ay yihiin Ajaanib, isla markaana ay talada fulinta xarakadaas u hayaan hogaanka.

Ford wuxuu xusay in tirada ugu badan 43-daas qof ee ajnabiga ah ay yihiin Maraykan, wuxuuna xusay in arrintaas raad xun kula soo laaban karto nabad gelyada dalka maraykanka.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: