Isbitaalada magaalada Muqdisho oo ay buux dhaafiyeen dadka ku soo dhaawacmay dagaalada.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Isbitaalada ku yaala G/Banaadir ay buux dhaafiyeen dadka ku soo dhaawacmay dagaalada , sida lagu soo warramay waxaa la sheegayaa in . 24 saac ee ugu danbeysay Isbitaalada ku yaala magaalada Caasimada ah la soo gaarsiiyey dad rayid ah oo aad u badan oo ku soo  waxyeeloobay  dagaalada iyo Duqeymaha joogtada noqday ee ka socda qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Sidaas darted Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay la ciir ciirayaan dhaawacyada faraha badan ee maalin kasta la keenaya Isbitaaladaas, si halkaas loogu daaweeyo dhaawacyada ay qabaan.

Saraakiisha Isbitaalada Banaadir, Madiina, Keysanay, Deyniile iyo Xarumaha kale Caafimaad ayaa sheegay inay jiraan culeysyo kala duwan ee soo food saaray Isbitaalada, waxaana kamid ah in daawooyinka ay gabaabsi yihiin, sidaas darteed qaar ka mid ah dadka  dhaawaca ah aan waxba laga qaban Karin, sidaas awgeed waxay dadkaas ku jiraan xaalad Nolol iyo Geeri u dhexeeysa.

Hase yeeshee Xaaladan ayaa imaanaysa xili dagaalada iyo Duqeymaha ka socda Magaalada Muqdisho ay sii xoogaysanayaan, kuwaas oo ay isaga horjeedaan dowladda KMG iyo Xoogaga hubaysana oo laga quustay  inay wada hadalo dhex dooda ah ku xalliyaan arrimaha Siyaasadeed ee ay isku haystaan.

 

SomaaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: