Agasimaha Idaacada Maandeeq oo xabsiga ladhigay.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ee gobolka Gedo ayaa xabsiga dhigtay Agaasimihii Idaacada Maandeeq Ee Degmada Balad-Xaawo.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa shalay xabsiga dhigay Agaasimihii Idaacadda Radio Maandeeq ee magaalada Baled-Xaawo Xasan Maxamuud Xalane oo aan la ogeyn sababaha ka dambeeyay xarigiisa.

Xasan Maxamuud Xalane ayaa Shalay galab laga qabtay gudaha Deegaanka Balad-Xaawo, waxaana amarka xarigiis bixiyay saraakiisha Al-Shabaab ee gacanta ku haysa gobolka Gedo.

Agaasimaha Idaacadda Radio Maandeeq ayaa dhawaan socdaal ku aaday Magaalada Hargaysa waxaana la sheegay in uu halkaasi Siminaar uga qeyb galay.

Xarigan ay noqonaya wariyihii labaad ee ay xabsiga dhigaan Al-Shabaab, iyadoo ay horay u xireen oo uu weli xabsi ugu jiro wariye ka shaqeyn jiray Idaacada Mandeeq oo lagu magacaabo C/qani Xuseen Kuusow, kaasoo warbixin u diray Radio Shabelle oo ay Al-Shabaab horay u diideen in warbixino la siiyo.

Si kasta ha ahaatee xarigan Agaasimaha iyo wariyaha Idaacadda Radio Maandeeq ayaa kamid noqonaya xadgudubyada iyo caburinta ay dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ay ku hayaan saxaafadda, waxaana horay loo caburiyay Idaacado badan iyo wariyayaal Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya ka shaqeynayay.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: