Hey’ada Qaxootiga Adduunka ee (UNHCR) oo Caalamka ka codsatay in dib u dejin loo sameeyo Qaxootiga Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

War laga soo saaray Xarunta Hey’ada Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ee ku yaalada dalkan Switzerland ayaa sheegay in hay’addu ay ka codsatay calaamka in dib u dajin loo sameeyo Qoxooti farabadan oo Soomaali ah, kuwaas oo ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.

Atonia Gaterres oo ah Wakiilka ugu sareeya hay’adda qaxootiga aduunka UNHCR ayaa wadamada hodanka ah ka codsaday in ay garab istaagaan dadaalada caalamiga ah ee lagu samata-bixinayo qaxootiga iyo barakacayaasha ka firxanaya dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka dhacaya dhulka Soomaalida

Hase yeeshee  Mudane Atonia Gaterres wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay wadanka tusaale  u ah dhibaato labaatan sano ka jirtay taas oo dadka soomaalida ay badankood ka carareen in

Qiyaastii ilaa 2milyan oo qof qaxooti Soomaali ah ay uga kala nool  yihii Shanta Qaaradood ee adduunka, sidoo kale Mudane Atonia Gaterres wuxuu sheegay inay jiraan dad lagu qiyaasay ilaa 1.4Milyan ay ku  barakaceen gudaha dalka Soomaliya.

Dhanka kale Madaxa sare ee UNHCR ayaa sheegay in tirada qaxootiga  ee dalka ku soo laabanayey ay hoos u dhaceen , wuxuuuna tilmaamay in sanadkii la soo dhaafay uu ahaa kii ugu xumaa

Si kasta ha ahaatee waxaa jiray Shir ka dhacay 4-ti bishaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo  looga hadalay tacadiyada joogtada ah iyo saameynta dagaaladu ku yeeshen shacabka Soomaaliyeed aan waxba galabsan ayaa xaaladda ka dhigay mid aan la qiyaasi karin dhacdadaas.

SomaliSwiss    Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: